Madaxweynaha Puntland oo xilkii ka qaaday agaasimihii la dagaalanka burcadbadeeda ee Puntland

Aagaasimihii la dagaalanka burcadbadeeda ee Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir. [Sawirka: Archive]
Aagaasimihii xilka lga qaaday ee la dagaalanka burcadbadeeda ee Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xilkii ka qaaday agaasimihii la dagaalanka burcadbadeeda ee Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir sidoo kale loogu yeero “Ducaysane”, sida ay tilmaamayso digreeto kasoo baxday madaxtooyada oo ku taariikhaysan 19-ka Maarso, 2017-ka, sida uu arkay warsidaha Puntland Mirror.

Xil ka qaadista ayaa timid hal asbuuc kadib markii burcadbadeeda Soomaaliya ay afduubteen markabkii kowaad oo ganacsi muddo shan sanno ah, inkastoo maalmo kadib ay sii daayeen.

Agaasimaha xilka laga qaaday ayaa ahaa agaasimiha la dagaalanka burcadbadeeda ee Puntland tan iyo sanadkii 2009-kii.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*