Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii beesha caalamka ay Puntland uga taageeri lahaayeen hirgalinta nidaamka xisbiyada badan iyo doorasho hal qof iyo hal cod ah, sida lagu sheegay bayaan lagu daabacay bogga guddiga doorashooyinka Puntland.
Haayadaha ka socda beesha caalamka ee kulanka ka qeybgalay ayaa waxaa kamid ahaa USAID, EU, DFID, Sweden, Switzerland, Germany, Denmark, SSF, InterPeace iyo SAHAN.
Sabtidii, ayaa baarlamaanka Puntland meelmariyeen guddiga doorashooyinka Puntland oo ka kooban sagaal xubnood kuwaasoo bishii Agoosto ee sanadkan ay soo magacaabeen madaxweynaha iyo baarlamaanka.