Sawir-qaade Mukhtaar Nuur oo lagu xiray Muqdisho

Sawir-qaade Mukhtaar Nuur. [Sawirka: Facebook/mukhtaarnuur]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Haayada Nabadsugida NISA ayaa xirtay sawir-qaade Mukhtaar Nuur, sida ay sheegeen ururada warbaahinta.

Mukhtaar ayaa maalintii saddexaad ku xiran gudaha magaalada Muqdisho, lamana yaqaan sababta loo xiray.

Mukhtaar ayaa ah sawir-qaade ku caanbaxay inuu qaado sawirada quruxda badan oo ku saabsan dalka. Horey waxa uu u la soo shaqeeyay safaaradda Imaaraatka Carabta ee gudaha Muqdisho, isaga oo u ahaa sawir-qaade, iyo turjumaan.

Ma jirto wax war ah oo ku saabsan xirida Mukhtaar oo kasoo baxay masuuliyiinta dowladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*