“Dhaarintan lagu guulaystay ee baarlamaanka waxay sumadinaysaa horumar dheeri ah oo laga gaaray xasiloonida siyaasadeed iyo ammaanka Soomaaliya,” ayuu Xoghayaha Guud ku yirii bayaanka.
Ban Ki-moon ayaa ka codsaday baarlamaanka cusub in ay hadda horey u wadaan hanaanka doorashada ee lagu dooranayo labada afhayeen ee aqalka hoose iyo kan sare iyo madaxweynaha dalka.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale u jeediyay haayadaha dowliga ah in ay soo dhammeystiraan xubnaha xildhibaanada ee dhiman.
Talaadadii lasoo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu dhaariyay ku dhawaad 283 xubnood oo isugu jirey labada aqal.