Mukhtaar Roobow oo is dhiibay

Mukhtaar Roobow oo is dhiibay. [Sawirka: Archive]
Baydhabo-(Puntland Mirror) Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Mukhtaar Roobow ayaa aqbalay in uu isku dhiibo dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin.

Is dhiibida ayaa timid kadib kulan ay albaabadu u xirnaayeen oo dhexmaray masuuliyiin ka socota dowladda federaalka Soomaaliya iyo Roobow, kaasoo ka dhacay tuulada Abaal, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen. 

Maleeshiyaad Al-Shabaab katirsan iyo dagaalyahano daacad u ah Roobow ayaa ku dagaalamayay Abaal ilaa Jimcadii.

Abaal waa tuulo yar oo kutaala gobolka Bakool, oo ay ku xooganyihiin qabiilka Roobow ee “Raxan-weyn”.

Dabayaaqadii bishii June ee sanadkan, Mareykanka ayaa Mukhtaar Roobow ka saaray liiskiisa dadka argagixisada adduunka.

Kadib go’aanka Mareykanka, Al-Shabaab ayaa bilowday guluf ka dhan ah Roobow si ay u qabtaan ama u dilaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*