Puntland oo baaq-nabadeed u dirtay beelaha ku dagaalamay gobolka Sool

Sumada Puntland.

Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa baaq-nabadeed u dirtay beelaha ku dagaalamay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool.

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri: “Dowladda Puntland waxay aad uga xuntahay dagaalka kasoo cusboonaaday deegaanka Dhumay ee gobolka Sool ee u dhaxeeya labada beelood ee walaalaha ah.”

“Waxay dowladda Puntland ugu baaqaysaa labada beelood ee walaalaha ah in dagaalkaas sida ugu dhakhsaha badan loo joojiyo.  Xabad dambana aysan dhicin. “ ayaa lagu sii yiri bayaanka.

Dagaalka ayaa subaxnimadii hore ee Isniinta ka qarxay deegaanka Dhumay, oo qiyaastii 35 mayl dhanka koonfurta kaga beegan magaalada Laascaanood.

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaalka uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida ay wararku sheegayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*