Xildhibaan katirsan baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Marxuum Cusmaan Cilmi Boqore. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xildhibaan katirsan baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee Sabtida lagu dilay magaalada Muqdisho.

Cusmaan Cilmi Boqore, oo lagu qiyaasayo 80-sanno jir kaasoo ahaa xildhibaanka ugu da’a weyn golaha baarlamaanka ayaa waxa toogtay niman hubeysan isaga oo gaarigiisa ku dhex watay degmada Kaaraan, sida ay sheegeen haayadaha ammaanka.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilka xildhibaan Boqore, sida ay ku warantay wakaalada wararka AP.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo raysulwasaare Xasan Cali Khayre ayaa cambaareeyay dilkaas, waxayna fareen haayadaha ammaanka in ay sameeyaan baaritaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*