Asad Cusmaan Cabdullaahi oo la filayo in loo magacaabo agaasimaha NISA

Asad Cusmaan Cabdullaahi. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay magacowdo agaasimaha haayada NISA.

Asad Cusmaan Cabdullaahi, kaasoo u tartamay madaxweynaha Puntland ee doorashadii dhacday bishii Janaayo 2019, ayaa kamid ah dadka ugu horeeya ee la filayo in loo magacaabo booskaas, sida ilo lagu kalsoonaan karo ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Agaasimihii hore ee haayada sirdoonka qaranka NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa iscasilay bishii Oktoobar 2018, tan iyo xilligaas booska ayaa banaanaa.

Asad oo soo noqday agaasimaha ciidamada PSF Puntland ayaa shalay oo Sabti ahayd tagay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*