Golaha deegaanka Ufeyn oo doortay guddoomiye cusub

Duqa cusub ee Ufeyn, ah Axmed Abshir Siciid.[Isha sawirka: Facebook]
Ufeyn-(Puntland Mirror) Golaha deegaanka Ufeyn kuwaasoo lagu soo doortay doorashadii ugu horeysay Puntland ka dhacda ee hal qof iyo hal ee bishii Oktoobar 2021, ayaa maanta oo Arbaco ah Axmed Abshir Siciid oo ka socda urur siyaasadeedka SINCAD u doortay duqa degmada.

Waxa uu helay 14 cod halka musharixii la loolamayay oo ka socda urur siyaasadeedka dowladda ee Kaah uu helay 13 cod, sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Bishii October 25-dii ayay ahayd markii ugu horeysay oo Puntland doorasho dimuqraadi ah laga qabto saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*