Xaawo Aadan oo ahayd halyeyad u ololeysa waxbarashada, nabadda iyo xuquuqda haweenka oo geeriyootay

Puntland Mirror
0 Min Read

Garoowe-(Puntland Mirror) Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya saaka oo Isniin ah ku geeriyootay Hooyo Xaawo Aadan Maxamed, oo ahayd bare, u-doodde xuquuqda haweenka iyo gabdhaha, nabaddoon iyo samafale Soomaaliyeed oo si weyn loogu yaqaanay magaca “Hooyo Xaawo.”

Xaawo Aadan, oo lagu qiyaaso inay dhalatay sannadkii 1949, waxay nolosheeda inteeda badan u hibeysay horumarinta waxbarashada, awood-siinta haweenka, nabadda iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ay saameeyeen colaadaha iyo barakaca.

Markii uu dagaalkii sokeeye ka qarxay Soomaaliya, Hooyo Xaawo waxay ku noolayd dalka Canada. Waxay dalka dib ugu soo laabatay sannadkii 1995, iyadoo go’aansatay inay aqoonteeda iyo waqtigeeda u adeegsanayso taageerada haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee ay saameeyeen dagaallada.

Sannadkii 1999, waxay magaalada Gaalkacyo ka aasaastay Galkayo Education Centre for Peace and Development (GECPD), oo noqotay xarun muhiim ah oo ka shaqaysa waxbarashada gabdhaha, awood-siinta haweenka, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, xuquuqda aadanaha, la dagaallanka gudniinka gabdhaha iyo ka hortagga tacaddiyada ka dhanka ah haweenka.

Waxay si gaar ah diiradda u saartay haweenka iyo gabdhaha ay saameeyeen dagaallada iyo barakaca, iyadoo waxbarashada u aragtay waddada ugu muhiimsan ee lagu beddeli karo nolosha bulshada.

Hooyo Xaawo waxay heshay abaalmarinno badan oo caalami ah, kuwaas oo lagu aqoonsaday shaqadeeda bani’aadantinimo iyo dadaalka ay ugu jirto xuquuqda haweenka iyo dadka barakacay. Sannadkii 2012, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa siisay Nansen Refugee Award, taas oo ka mid ah abaalmarinnada caalamiga ah ee ugu sarreeya ee lagu maamuuso shaqada bani’aadantinimo.

Waxay hore u heshay abaalmarinno ay ka mid yihiin Woman of the Year Award sanadkii 1994, Voices of Courage Award sanadkii 2001, Marie Claire Top Ten Women of the World sanadkii 2004 iyo Ginetta Sagan Award ee Amnesty International sanadkii 2005.

Geerida Hooyo Xaawo Aadan ayaa ka tagaysa dhaxal ballaaran oo ku suntan waxbarasho, nabad-dhisid iyo awood-siinta haweenka. Kumannaan Soomaali ah, gaar ahaan haween iyo gabdho, ayaa ka faa’iidaystay fursadaha waxbarasho, xirfadeed, ilaalin iyo taageero nololeed oo ay gacan ka geysatay.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *