Ciidamada Puntland oo weerar ku qaaday meelaha ay ku dhuumanayaan Al-Shabaab ee kuyaala Buuraha Galgala

Ciidamada Puntland oo ku sugan Buuraga Galgala. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland ayaa weeraray meelaha ay ku dhuumanayaan Al-Shabaab ee kuyaala Buuraha Galgala shalay galab oo Jimce ahayd, sida ay sheegeen ilo-wareed dhanka ammaanka ah.

Sargaal dhanka ammaanka ah oo katirsan Puntland oo magaciisa qariyay ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in ciidamadu ay qaadeen howlgalo ka dhan ah maleeshiyada kuwaas oo ku dhuumaalaysanaya deegaanada buuralayda ah.

Diyaaradaha dagaalka ayaa ku lug lahaa howlgalka, kuwaas oo qaaday duqaymo, sida uu sheegay sargaalku.

Sargaalka ayaa ka gaabsaday in uu bixiyo wax faahfaahin ah oo ku saabsan khasaaraha.

Howlgalka ayaa imaanaya wax ka yar maalmo kadib markii dagaalyahano Al-Shabaab ah ay weerareen saldhig ciidan oo kuyaala tuulada Af urur ee Buuraha Galgala, weerarkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 40 askari oo katirsanaa ciidamada Puntland iyo tiro kale oo dad shacab ah oo ay kamidyihiin haween iyo caruur.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Garoowe shalay oo Jimce ahayd, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa wacad ku maray in ay dagaal la heli doonaan ururada hubaysan sida Al-Shabaab iyo Daacish kuwaas oo ficilo arxan daro ah ka wada gudaha Puntland.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*