Al-Shabaab oo qabsaday magaalo xeebeedka Marka

Dagaalyahanada al-Shabaab.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada al-Shabaab ayaa qabsaday magaalo xeebeedka Marka kadib markii ay isaga baxeen ciidamada dowlada Soomaaliya, waa markii kowaad oo ay qabsadaan magaalada istiraatijiyada ah tan iyo bishii Febraayo.

Dagaalyahano aad u hubaysan oo al-Shabaab ah ayaa gudaha u galay magaalada Marka, iyagoo qabsaday dhismayaasha dowlada, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Bilowgii bishii Febraayo ee sanadkan, al-Shabaab ayaa qabsaday magaalada markii ay ka baxeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.

Marka waa magaalo taariikhi ah oo ku taala gobolka Shabeelaha Hoose, waxayna 60 Mayl (97 Km) u jirta caasimada Soomaaliya, Muqdisho.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*