Madaxweynaha Puntland oo u safray Ingiriiska si uu uga qeybgalo shir-weynaha Soomaalida ee London

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo saxaafada kula hadlayay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Sabti ah u safray dalka Ingiriiska si uu uga qeybgalo shir-weynaha Soomaalida ee London.

Isaga oo saxaafada kula hadlayay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo Madaxweynaha ayaa yiri: “Saakay waxaan rabaa in aan u safro Nayroobi, Kenya, waxaan uga sii gudbi doonaa London halkaas oo aan uga qeybgali doono shirka Soomaalida ee London lagu qabanayo 10-ka May,”

“Muhiimadda shirku waxa weeye in la helo ciidan qaran, in lahelo dib u dhis horumar dhaqaale oo dalka loo sameeyo. Waxaanu ka filaynaa maxsuulka ka soo baxa shirkaasi uu noqdo  mid wax weyn ka bedela dhaqaalaha iyo amniga ee dalka Soomaaliya.” Ayuu ku daray.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, hoggaamiyaasha maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa sidoo kale ka qeybgali doona shirka-weynaha.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*