Wiil yar oo Soomaali ah oo diiday xil loo magacaabay baqdin uu Al-Shabaab ka qabo darteed

Faysal Cabdullaahi Cumar. [Isha Sawirka: BBC]
Jowhar-(Puntland Mirror) Wiil Soomaali ah oo lix iyo toban jir ah ayaa diiday xil loo magacaabay oo ah guddoomiye ku xigeen isaga oo u baqay ammaankiisa.

Faysal Cabdullaahi Cumar ayaa xilka ka qaban lahaa magaalada Jowhar ee maamul goboleedka Hirshabelle.

Wiilka oo dhigta dugsi sare ayaa warbaahinta u sheegay in uu xilkaas uga baqay in uu bartilmaameed uu u noqdo maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasoo ka howlgala gobolkaas.

Cumar ayaa sheegay in xilka aan lagala tashan, taasoo ay u magacaabeen hoggaamiyaal dhaqameedyo, waxaana uu sheegay in uu doonayo in uu waxbarashadiisa sii wato.

“Hadda waxaan ku jiraa dugsi sare waxaana dhammeyn doonaa bilaha soo socda, waxaan rabaa in aan jaamacad aado oo aan dhiso mustaqbalkayga,” ayuu yiri Cumar.

Waxaa uu sheegay in uu ka baqay iskuulka dhowr maalmood kadib markii la magacaabay.

Waalidiinta Cumar ayaa sidoo kale diiday magacaabida. Balse qeyb kale oo katirsan bulshada ayaa sheegay in ay fursad u tahay isaga si uu “ku dayasho ugu noqdo dhalinyarada”.

Jowhar ayaa kutaala waqooyiga caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana maamusha dowladda Soomaaliya, balse Al-Shabaab ayaa gacanta ku heysa deegaanada ku hareeraysan magaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*