Kenya oo sheegtay in ay xirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya

Kenya oo sheegtay in ay xirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya. [Sawir Hore]
Nairobi-(Puntland Mirror) Kenya ayaa sheegtay in ay xirtay xadka ay la leedahay Soomaaliya, sida uu tabiyay wargeyska Daily Nation maanta oo Talaado ah.

Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay in go’aanka la gaaray si loo adkeeyo ammaanka.

Marka loo eego taarikhda xadka Kenya iyo Soomaaliya, tilaabadan maahan wax cusub, balse tani ayaa imaanaysa iyada oo ay jirto kacsanaan diblomaasiyadeed oo u dhaxeysa labada dal taasoo ay keentay muranka xadka badda, kaasoo ay go’aaminayso maxkamada ICJ.

Tan iyo bishii Febaraayo ee sanadkan xiriirka labada dal ayaa sii xumaanayay kadib markii Kenya ay ku eedaysay Soomaaliya in ay shirkii London ee soo bandhigista xirmooyinka shidaalka ay Soomaaliya ku dartay meelo kuyaala badda lagu muransanyahay, inkastoo dowladda Soomaaliya ay beenisay.

Tan iyo wakhtigaas Nairobi ayaa qaaday tilaabooyin ay culeys ku saarayso Soomaaliya sida in ay diiday baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya iyo in ay soo celisay marinkii diyaaradaha ee Wajeer kahor inta aysan tagin Nairobi.

Muranka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa hadda gacanta ku haysa maxkamada ICJ, waxaana la filayaa in dabayaaqada sanadkan 2019 ay soo bixi doonaan natiijooyin dhor dhac ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*