Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhisida dowladda federaalka Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay

Wasiirka dhintay Cabaas Cabdulaahi Siraaji. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhisida dowladda federaalka Soomaaliya Cabaas Cabdulaahi Siraaji ayaa lagu dilay meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho fiidkii caawa oo Arbaco ah, sida ay sheegeen goobjoogayaashu.

Siraaji ayaa la dilay markii ilaalada hanti dhowraha guud ay rasaas ku fureen gaari uu saarnaa wasiirku, sida ay sheegeen dadka goobjoogayaasha ah.

Ma cadda ilaa iyo hadda waxa keenay toogashada.

Waxa uu noqonayaa masuulkii ugu sareeyay ee dowladda Soomaaliya katirsan oo lagu dilo Muqdisho tan iyo markii Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu xafiiska qabtay bartamihii bishii Maarso ee sanadkan.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*