Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Soomaaliya oo ku dhintay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Xuseen Ceelaabe Faahiye. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirkii hore arrimaha dibada ee Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa ku dhintay qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho maanta Arbaco ah, sida lagu sheegay waraaq tacsi ah oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya.

Hadda waxa uu ahaa la taliye sare oo katirsan wasaaradda arrimaha dibada ee Soomaaliya, sida lagu sheegay waraaqda.

“Marxuum Ceelaabe oo noqday Wasiirka 13aad ee Arrimaha Dibadda ayaa ka mid ahaa xiliyadii dambe Guddi sare oo lataliyaal ah oo u xilsaaran dib-u-habeynta iyo horumarinta Siyaasadda Debadda. Marxuumka ayaa ahaa siyaasi, macallin, barbaariye iyo qof saaxiib la ahaa bulshada qeybaheeda kala duwan, isagoo ardayda ka caawin jiray fahamka cilmiga tirakoobka “Statistics”.” Ayaa lagu yiri waraaqda.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxaas, sida ay ku warameen warbaahintoodu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*