Maareeye ku xigeenkii shirkada isgaarsiinta Golis oo lagu dilay magaalada Boosaaso

Marxuum Cabdullaahi Cali Cumar. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Maareeye ku xigeenkii shirkada isgaarsiinta Golis ayaa xalay fiidkii lagu dilay magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Cabdullaahi Cali Cumar ayaa niman baastoolado ku hubeysan toogteen isaga oo kasoo noqday salaada Cisha oo uu ku tukaday masjid kuyaala magaalada Boosaaso.

Nimankii dilka geystay ayaa ka cararay goobta, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ma jirto cid sheegatay masuukiyada dilka loo geystay maareeye ku xigeenkii Golis, oo ah shirkada isgaarsiinta ugu weyn ee Puntland.

Ciidamada ammaanka ayaa saakay oo Arbaco ah howlgal ka bilaabay gudaha magaalada ay ku raadinayaan dadkii ka dambeeyay dilka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*