Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta yeelanaya kulankoodii ugu dambeeyay

Barlamaanka Soomaaliya
Barlamaanka federaalka Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah yeelan doona kulankoodii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan  intii lagu guda jiray afartii sanno ee lasoo dhaafay, sida ay sheegeen xubno kamid ah baarlamaanka.

Wakhtiga rasmiga ah ee shaqo ee baaralamaanka hadda jira ayaa waxaa ka harsan dhowr maalmood, balse shirkii madasha qaran ee dhawaan ay Muqdisho ku yeesheen hoggaamiyaasha siyaasada Soomaaliya ayaa haayadaha dowlada hadda jira waxaa loogu daray muddo labo bilood ah.

Doorashada xubnaha cusub ee baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dhacdo 25 September ilaa iyo 10 Oktoobar, sida ay dhawaan sheegeen guddiga  doorashooyinka Soomaaliya.

Xaalado adag oo baarlamaanka soo maray

Mudadii afarta sanno ahayd ee baarlamaanka hadda wakhtigiisu dhamaanayo jiray ayaa waxaa soo maray xaalado adag oo ay kamid ahayd muran baarlamaanka dhexdiisa ahaa oo ka dhashay mooshino ay baarlamaanku keeneen oo uu ugu weynaa mooshinkii raysulwasaarihii hore Cabdiweli Shiikh Axmed oo dhaliyay muran dheer oo saameeyay golayaasha dowlada.

Baarlamaanka hadda jira ayaa sidoo kale waxaa soo maray xaalado amni oo adag oo ay kamid ahaayeen weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen golaha baarlamaanka iyo in ka badan 12 xildhibaan oo lagu dilay magaalada Muqdisho kuwaasoo ay masuuliyadooda sheegatay kooxda Al-Shabaab.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*