Madaxweynaha Turkiga oo sheegay in Soomaaliya ay ka codsatay sidii shidaal looga baari lahaa badaheeda

Madaxweyne Tayyip Erdogan. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Ankara-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in Soomaaliya ay Turkiga ku casuntay sidii shidaal looga baari lahaa badaheeda, sida ay tabisay wakaalada wararka Reuters, oo soo xiganaysa warbaahinta NTV.

Isaga oo la la hadlayay wariyeyaasha kadib markii uu ka soo noqday shirka Libya ee ka socday magaalada Berlin, Erdogan waxaa uu sheegay in Turkiga uu qaadi doono tilaabooyin la jaan qaadaya casuumada Soomaaliya, laakiin faahfaahin dheeraad ah ma uusan bixin.

“Waxaa jira codsi ka yimid Soomaaliya. Waxay sheegayaan: Waxaa jira shidaal ku jira badaheena. Hadda waxaad wadaan howlgalada Libya, balse sidoo kale waad ku sameyn kartaa halkan,’ Tani waxay noo tahay arrin muhiim noo ah,” Erdogan ayaa NTV soo xigtay isaga oo sidaas dhahaya. Waxaana uu intaas ku daray: “Waxaa jiri doona tilaabooyin aan ku qaadi doono howlgaldayada halkaas.”

Turkiga ayaa ahaa isha ugu weyn ee caawimaada Soomaaliya tan iyo markii ay macaluushu ku dhufatay sanadkii 2011 iyadoo Ankara ay kordhisay saamaynteeda Geeska Afrika si ay ula loolanto awoodaha Khaliijka sida Sucuudi Caraabiya iyo Imaaraatka Carabta.

Injineerada Turkiga ayaa Soomaaliya ka gacan siinayay dhismaha waddooyinka, halka saraakiisha Turkiga ay tababareen ciidamada Soomaaliya taasoo qeyb ka ah dadaalada lagu doonayo dib u dhiska ciidamada qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*