Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya oo lagu eedeeyay musuqmaasuq

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daauud. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntand Mirror) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daauud ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq, sida uu sheegay Hanti-dhowraha Guud.

Maxamed Maxamuud Cali, oo ah Hanti-dhowraha Guud ee qaranka oo warbaahinta la hadlay maanta oo Sabti ah ayaa sheegay in wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada uu sameeyay ku takrifal uuna ka xadgudbay maamulka maaliyada ee wadanka u degsan.

Hanti-dhowraha Guud ayaa sheegay in kiiska musuqa ee ka dhanka ah wasiir ku xigeenka ay soo gudbiyeen bishii April ee sanadkan.

Subaxnimadii hore ee Sabtida, ciidamo katirsan booliiska oo wata amar maxkamadeed ayaa tagay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada ee kutaala Muqdisho si ay u xiraan Mukhtaar Mahad Daauud, balse muran ayaa ka dhashay isku deygaas taasoo keentay ismariwaa, balse sida ay wararku sheegayaan Raysulwasaare Xasan Cali Khayre ayaa arrinta dhexgalay isaga oo dib u dhigay xariga ka dhanka ah wasiir ku xigeenka.

Bishii lasoo dhaafay, agaasimaha waaxda dib-u-dejinta Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya, Daahir Maxamed Nuur, ayaa xabsi la dhigay kadib markii lagu eedeeyay in uu xaday lacag dhan $84,000 dollar.

Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay kaalinta kowaad ka gashay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka, sida lagu sheegay warbixin sanadeedka haayadaha Transparency International.

Dowladda hadda jirta ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilligii ololaha balanqaaday in ay la dagaalami doonto musuqmaasuqa ragaadiyay horumarka dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*