Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo shirkadaha ilaalada gaarka loo leeyahay ku amartay in ay is diiwaan gashaan

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasaaradda Amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shirkadaha ilaalada gaarka loo leeyahay ku amartay in ay is diiwaan gashaan, sida agu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda.

“Anagoo tixraacayna go’aanka Golaha Wasiiradda ee kuu aadanaa sugitaanka iyo xasilinta dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho. Wasaaradda Amniga ee Soomaaliya waxay ku wargelinaysaa dhammaan shirkadaha ilaalada gaarka loo leeyahay in ay isku soo diiwaan geliyaan muddo 30 casho gudahood ah, laga bilaabo July 2, 2017,” bayaanka ayaa sidaa lagu yiri.

“Cidii isa soo diiwaan gelin weyda mudada kor ku xusan waxaa laga qaadi doonaa tilaabada ku haboon ee sharciga waafaqsan.” Bayaan ayaa intaas ku daray.

Bishii lasoo dhaafay,Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa  mamnuucay dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan masuuliyiinta dowladda in magaalada Muqdisho aysan ku dhex wadan karin ilaalo ka badan afar askari iyo ugu badnaan labo gaari.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa dhammaan masuuliyiinta dowladda oo ay ku jiraan golaha wasiiradda iyo xildhibaanada labada aqal u qabatay in muddo dhan 14 maalmood ay ku diiwaan geliyaan ilaaladooda gaarka ah iyo hubka ay haystaan.

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ku soo celin lahayd ammaankii iyo xasiloonidii dalka gaar ahaan koonfurta dalka oo muddo badan ay ka jirtay colaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*