Puntland oo joojisay baabuurta rakaabka ee ka dhex shaqeeya Puntland iyo Somailand

Sawirka: Mid kamid ah baabuurta rakaabka ee ka dhex shaqeeya Puntland iyo Somaliland.

Garoowe-(Puntland Mirror)Puntland ayaa joojisay baabuurta rakaabka ee ka dhex shaqeeya Puntland iyo Somailand, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Nugaal xalay.

“Laga bilaabo caawa oo taariikhdu tahay 8,1, 2018, saacadu markii la gaaro lixda saac waxaa la joojiyay wax walba oo gaadiid ah oo u socda gobolada isku magacaabay Somaliland,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugal Cumar Cabdullaahi Faroweyne oo la hadlay warbaahinta.

Tilaabada ayaa timid saacado yar kadib markii maleeshiyo katirsan Somaliland ay weerar ku soo qaadeen saldhigyo ay ciidamada Puntland ku lahaayeen tuulada Tukaraq ee gobolka Sool shalay oo Isniin ahayd.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*