DP World oo la wareegi doonta dekada Boosaaso

Wasiirka Dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage. [Sawirka: Puntland Mirror]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Dekada magaalada Boosaaso ayaa dhawaan la filayaa in ay si rasmi ah loogu wareejiyo shirkada DP World oo Puntland ay heshiis la gashay.

Isaga oo wariyeyaasha kula hadlayay gudaha magaalada Boosaaso Wasiirka Dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay in dekada ay ku wareejin doonaan DP World dhawaan.

“Waxaa jira koox ka socota DP World oo Boosaaso timid, waxaan jecelnahay in aan kawadahadlno qaabkii shaqada dekada loo wareejin lahaa iyo sidii dhismaha dekada loo bilaabi lahaa in aan ka wadaxaajoodno.” Ayuu yiri Wasiir Raage.

Bishii April ee sanadkan Puntland ayaa heshiis la saxiixatay DP World si ay u balaariso una maamusho dekada Boosaaso.

DP World ayaa horumarin ku samayn doonta dekada Boosaaso oo ay ku baxayso kharash dhan $330 milyan labo sanno gudahood, sidoo kalena waxay maamuli doontaa dekada muddo soddon sanno ah.

Dekada Boosaaso ayaa ah il-dhaqaaleedka ugu weyn ee dowladda Puntland.

Shirkada ayaa qaadan doonta 65 boqolkiiba kharashka kasoo baxa dekada inta uu socdo wakhtiga heshiiska, sida masuuliyiin dowladda katirsan ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Shirkada DP World ayaa fadhigeedu yahay magaalada Dubai, waxayna kamidtahay shirkadaha ugu waa-weyn dunida ee maamula dekadaha.

Bishii lasoo dhaafay, baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay heshiiska Puntland ay la gashay DP World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*