Wariyaha dhaawacmay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdixamiid Maxamed Karsaay, kaasoo la shaqayn jiray taleefishinka Soomaaliga ah ee Universal TV.
Karsaay ayaa dhaawucu soo gaaray kadib markii garax loogu rakibay gaarigiisa uu ku qarxay gudaha degmada Xamar-weyne ee Muqdisho, sida goobjoogayaashu sheegeen.
Wariyaha dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka si loogu daaweeyo.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas ilaa iyo hadda.
Wariyenimada Soomaaliya ayaa ah xaalad nooli iyo geeri ka dhaxaysa, dhinacyada ku dagaalamaya gudaha Soomaaliya ayaa mar walba bartilmaameedsada wariyeyaasha.