Waalidiinta dhibanayaashii lagu dilay duqayn ka dhacday dalka Yemen oo Sucuudiga ka dalbanaya magdhow

Waalidiinta dhibanayaashii lagu dilay duqayn ka dhacday dalka Yemen oo Sucuudiga ka dalbanaya magdhow. [Sawirka: Archive]
Waalidiinta dhibanayaashii lagu dilay duqayn ka dhacday dalka Yemen oo Sucuudiga ka dalbanaya magdhow. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Waalidiinta Soomaaliyeed ayaa doonaya magdhow kadib markii da’ yar ay dhaleen oo ka badan 40 lagu dilay duqayn diyaaradeed oo ka dhacday gudaha dalka Yemen.

Isaga oo wariyeyaasha kula hadlayay maanta oo Axad ah gudaha magaalada Garoowe, Cabdullaahi Cali, oo wiilkiisa lagu dilay weerarka ayaa waxa uu yiri: “Waxaanu ka dalbanaynaa Sucuudiga in ay maal magdhow ah siiyaan qaraabadii dadka lagu dilay duqaynta.”

Waalidiinta dhibku ku dhacay ayaa dowladda Soomaaliya uga mahadceshay sida ay uga falcelisay dhacdada.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ee shaqada ka tagaya Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa dhacdada ku tilmaamay “mid argagax leh oo aad u xun oo loo geystay dad biri-magaydho ah oo Soomaaliyeed, Hadliye ayaa si rasmi ah weerarka ugu eedeeyay xulufada uu hoggaamiyo Sucuudigu.

18-kii bishaan Maarso, ugu yaraan 42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo u badan dhalinyaro ayaa lagu dilay duqayn ay diyaarad la beegsatay dooni xeebta dalka Yemen iyaga oo isku-dayay in ay gaaraan dalka Suudaan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*