Mareykanka oo qirtay in labo qof oo shacab ah ay ku dileen duqeyn ka dhacday gudaha Soomaaliya sanadkii 2018

Madaxa Taliska Mareykanka ee Afrika Janaraal Thomas Waldhauser. [Xigashada Sawirka: AFP]
Washington-(Puntland Mirror) Taliska ciidamada Mareykanka ayaa maanta oo Jimce ah qirtay in labo qof oo shacab ah ay ku dileen duqeyn ka dhacday gudaha Soomaaliya sanadkii 2018.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegeen in duqeyntaas lagu dilay labada qof ee shacabka ah ay ka dhacday meel u dhow magaalada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud.

Bishii lasoo dhaafay, haayada Amnesty International ayaa warbixin ay sii deysay ku eedaysay ciidamada Mareykanka in ay dad shacab ah ku dileen duqeymo ay ka geysteen gudaha Soomaaliya.

AFRICOM ayaa bayaankooda ku sheegay in duqeynta ay ku dhinteen dadka shacabka ah aysan ahayn kuwa ay warbixinteeda ku xustay Amnesty International.

Tan iyo sanadkii 2017, ciidamada Mareykanka ayaa ku dhawaad 110 duqeymood ka fuliyay gudaha Soomaaliya oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*