Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa oo uu waday qof naftiis halige ah ayaa lagu beegsaday xarun ciidan oo kutaala Muqdisho, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.
Ugu yaraan sideed askari ayaa ku dhimatay qaraxa, waxaana ku dhaawacmay ilaa 15 kale, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.
Qaraxa oo ahaa mid aad u weyn ayaa sawiro laga qaaday laga arki karayay qiiqa ka dhashay oo cirka isku shareeray.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas maanta oo Sabti ah ka dhacay Muqdisho, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Radio Al Andalus, oo ku hadasha afka maleeshiyada.