Garoonka diyaaradaha caalamiga ee Garoowe oo si rasmi ah loo furi doono dhawaan

Dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa soo maray wajiyo iyo marxalado kala duwan dhowr iyo tobankii sanno ee lasoo dhaafay. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Garoonka diyaaradaha caalamiga ee Garoowe ayaa si rasmi ah loo furi doonaa dhawaan, sida uu sheegay masuul.

Mareeyaha garoonka diyaaradaha Garoowe Cabdirashiid Jaamac Maxamed ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in garoonka shaqadiisii ay soo gabogabowday si rasmi ahna loo furi doono dabayaaqada bishaan April amaa bisha soo socota ee May.

Garoonka diyaaradaha Kanooko oo si fiican aan u dhisneyn oo kuyaala meel qiyaastii 40 dhanka waqooyiga ka xigta Garoowe ayaa si kumeel gaar ah loo isticmaalayay.

Duulimaadyada haayadaha caalamiga ah ayaa loo soo wareejiyay garoonka cusub ee Garoowe, sida uu Puntland Mirror u xaqiijiyay shaqaale katirsan haayadaha Qaramada Midoobay.

Dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa soo maray wajiyo iyo marxalado kala duwan dhowr iyo tobankii sanno ee lasoo dhaafay.

Hoos ka akhriso warbixin Puntland Mirror uu ka diyaarshay marxaladihii uu soo maray dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe.

Warbixin ku saabsan marxaladihii garoonka diyaaradaha Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*