Ugu yaraan shan qof oo ay ku jiraan tababarayaal Imaaraati ah oo lagu dilay weerar ka dhacay xero ciidan oo kutaala Muqdisho

Ciidan Soomaali ah oo Imaaraatku tababar siinayo. [Sawir Hore]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan qof oo ay kamidyihiin saraakiil milatari oo Soomaali ah iyo askari u dhashay Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa la dilaly fiidnimadii Sabtida kadib markii askari uu rasaas ku furay saldhig ciidan oo kuyaala caasimada Muqdisho, sida ay tabisay wakaalada wararka Reuters, oo soo xiganaysa ilo-wareedyo ciidan iyo isbitaal caafimaad.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda difaaca Imaaraatka, ayaa sheegtay in saddex xubnood oo dalkooda u dhashay iyo mid kale oo ka soo jeeda Baxrayn lagu dilay weerar argagixiso xilli ay tababar siinayeen ciidamo Soomaali ah.

In ka badan labo qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka, sida ay wasaaraddu ku sii sheegtay qoraalkeeda.

Ninka weerarka geystay, oo kamid ahaa ciidamada cusub ee tababarka qaadanayay, ayaa isla goobta uu weerarku ka dhacay ee xerada Gordon lagu toogtay.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka, sida ay ku sheegtay warbaahinta afkeeda ku hadasha ee Radio Al Andalus.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyay Imaaraatka dilka askartooda, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*