Saadiq Joon oo xilka laga qaaday kadib markii uu hor istaagay kulan baarlamaanka wakhtigiisu dhammaaday

Saadiq Joon. [Isha Sawirka: Universal]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Taliyihii ciidanka booliiska Muqdisho ayaa xilka laga qaaday waxyar kadib markii shir jaraaid oo uu qabtay uu ku sheegay in uu hor istaagay kulan u balansanaa golaha baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka jaraaid, ayaa taliye Saadiq Joon uu ku sheegay in uu hor istaagay kulanka baarlamaanka si uu uga hortago in baarlamaanku ay muddo kororsi labbo sanno ah u sameeyaan xukuumada Madaxweyne Farmaajo taasoo dalka ku keeni karta qalalaase siyaasadeed.

Digreeto kasoo baxday taliska booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka looga qaaday Saadiq Joon waxaana loo magacaabay Farxaan Maxamuud Aadan oo taliye ka ahaa ciidamada Turkiga uu tabobaray ee loo yaqaan Haramcad.

Arrintan ayaa imaanaysa dhowr maalin kadib markii shirkii u dhaxeeya madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah uu fashilmay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muddadii dastuuriga ahayd ee uu xafiiska hayay waxay dhammaatay 8-dii Febaraayo.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*