Madaxweynaha Puntland oo kormeeray khasaaraha ay sababeen daadka ku dhuftay Qardho

Dad ku dhex lugeynaya waddo kutaala Qardho oo biyo ku fatahmeen. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Talaado ah kormeeray khasaaraha ay sababeen daadadka ku dhuftay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay sameysay guddi wasiiro ah ayna ku jiraan ganacsato kuwaasoo ka shaqeyn doona gurmadka dadka ku waxyeeloobay daadka.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku geeriyooday daadad ku dhuftay magaalada Qardho habeenimadii Isniinta, sida uu sheegay duqa Qardho Cabdi Siciid Cusmaan.

Waxa uu sheegay in biyaha daadku ay geysteen khasaare kale oo ay kamidyihiin baabuur ay biyuhu qaadeen iyo guryo burburay.

Ilaa 10 qof ayaa sidoo kale la la’yahay, sida uu sheegay duqa magaalada Qardho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*