Ciidamada nabadsugida Soomaaliya oo fashiliyay weerar qarax gaari

Gaariga qaraxu saarnaa oo ay qabteen ciidamada nabadsugida. Sawirka: Radio Muqdisho.

 

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada nabadsugida Soomaaliya ayaa xalay oo Axad ahayd ku fashiliyay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho weerar la rabay in loo adeegsado gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay, sida uu sheegay sarkaal.

Afhayeenka gobolka Banadaair Cabdifataax Cumar Xalane ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen gaariga laga soo buuxshay walxaha qarxa iyo noocyo kale oo hub ah oo ay kamidyihiin qoryaha AK-47- iyo RPG.

Hubka gaariga saarnaa oo ay qabteen ciidamada nabadsugida Soomaaliya. Radio Muqdisho.

Ma cadda cida iskaleh gaariga qaraxa iyo hubku saarnaa, balse afhayeenka gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay kooxda hubaysan ee al-Shabaab oo horey u geysatay weeraro kan lamid ah.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*