Labada caruurta oo ahaa shan jir iyo todobo jir ayaa hurday gudaha aqal Soomaali habeenimadii Arbacada markii maska sunta badan uu u yimid uuna qaniinay, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Lama helin weli maska caruurta laayay balse waxaa loo maleynayaa in uu ka soo baxay duurka.
Caruurta ayaa maanta aas loogu sameeyay deegaankii ay ku dhinteen.
Qaniinyada masaska ayaa dad badan u geeriyoodaan gudaha Soomaaliya sanad walba, gaar ahaan xilliyada kuleylaha oo masaska iyo dhammaan xamaaratadu ay ka soo baxaan godadkooda.