Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan labo askari oo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ah ayaa ku dhimatay kuwo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax gaari oo ka dhacay kantarool kuyaala meel u dhow caasimada Soomaaliya ee Muqdisho maanta oo sabti ah, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay sheegtay idaacada Al-Shabaab ee radio Al-Andalus.