Diyaarada oo nooceedu ahaa Boeing 747 TC-MCL oo laga lahaa dalka Turkiga ayaa kasoo duushay Hong Kong waxayna u socotay Bishkek.
Cimilada oo xumayd ayaa keentay burburka diyaarada, sida uu sheegay raysulwasaare ku xigeenka dalka Kyrgyzstan oo ah dal yar oo buuralay ah oo kuyaala bartamaha qaarada Aasiya.
Diyaarada ayaa ku dhacday guryo la daganyahay sida ay sheegeen saraakiisha Kyrgyzstan.
Muuqaalada shilka diyaarada ayaa muujinaya qiiq ka baxaya burburka diyaarada oo burburshay dhismayaaal.
![Ugu yaraan 15 guri ayaa ku baaba’ay kadib markii burburka diyaarada ay ku habsatay. [Sawirka: Reuters]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2017/01/93581853_mediaitem93581850.jpg)
Qof goobjooge ah oo la hadlay wakaalada wararka AFP ayaa yiri: “Diyaaradu waxay ku dul dhacday guryo. Waxayna dishay qoysas badan. Intooda badan dadku waa ay hurdeen.”
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Kyrgyzstan ayaa sheegtay in dadkii ku dhaawacmay shilkaas lagu dabiibayo isbitaalada sidoo kale waxaa socda baaritaanka samatabixinta, waxaa laga yaabaa in tirada dhimashadu ay korodho.