Madaxweyne ku xigeenkii hore Puntland oo beeniyay in uu qorshaynayo in uu ku biiro Somaliland

Intii uu socday kulanka cashada ah oo guddoomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro uu u sameeyay madaxweyne ku xigeenkii hore Puntland Cabdisamad Cali Shire oo ka dhacay xarunta Hido Dhowr ee Hargeysa Somaliland. [Sawirka: Cabdiraxmaan Ciri/Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowladda Puntland Cabdisamad Cali Shire ayaa beeniyay wararka warbaahinta bulshada wareegaya oo sheegaya in uu qorshaynayo in uu ku biiro Somaliland, isaga oo sheegay in xantaasi ay beentahay.

Website maxali ah oo la dhaho Puntland Post oo wareysi la yeeshay Cabdisamad Cali Shire ayuu warkaas ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

“Waa been wararkaasi…. Waxaan ka imi caafimaad dibada ah… waxaan joogaa Hargeysa laakiin joogitaangayku ma khuseeyo arrimo siyaasadeed,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo wareysi siiyay Puntland Post.

“Guddoomiyaha xisbiga Wadani ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro baa martiqaad ii sameeyay, balse wax siyaasad ah oo aan kulankayaga uga wadahadalnay ma jirto.” Ayuu ku daray Cabdisamad.

Bishii Janaayo 2009-kii ilaa iyo Janaayo 2014-kii ayuu soo noqday madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*