Kahor inta aysan dagaalyahanadu gudaha u galin xarunta gaari laga soo buuxshay walaxaha qarxa ayaa lagu dhuftay albaabka hore ee xarunta wasaaradda, sida ay wararku sheegeen.
Saqar Ibaarin Cabdalla, oo ahaa wasiirkii ku xigeenkii shaqaalaha iyo arrimaha bulshada, ayaa lagu dilay weerarka kadib markii dablay hubeysan ay gudaha u galeen xarunta wasaaradda, sida ay sheegtay wakaalada wararka AP, oo soo xigatay ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.
Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida afhayeenka howlgalada milatariga ee maleeshiyada Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab uu u sheegay Reuters.
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo afjaray weerarka galabta, iyaga oo la sheegay in dablaydii gudaha u gashay xarunta wasarradda la dilay.
Waxa uu ahaa weerarkii ugu dambeeyay ee ay maleeshiyadu ka fuliso gudaha caasimada, dabayaaqadii bishii Febaraayo weerar ay geysatay Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhintay 25 qof.