Raysulwasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo kulan kula yeeshay Nayroobi safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya

Nayroobi-(Puntland Mirror) Raysulwasaare ku-xigeenka dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte (Qaalib) ayaa magaalada Nayroobi ee caasimada dalka Kiinya kula kulmay maanta oo Arbaco ah safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Donland Y. Yamamoto, sida ay ku warantay wakaalada wararka dowlada Soomaaliya ee SONNA.

Labada masuul ayaa kulankooda diirada ku saaray dhowr arrimood oo ay kamidyihiin xoojinta xiriirka labada dal u dhaxeeya, kordhinta taageerada Maraykanka uu siiyo Soomaaliya, ka qayb qaadashada dib u uruurinta ciidamada qaranka Soomaaliya si loo dhiso hal ciidan oo uu qaranka leeyahay, guulaha siyaasadeed iyo caqabadaha taagan.

Raysulwasaare ku-xigeenka ayaa uga mahadceshay dowlada Maraykanka taageerda joogtada ah oo ay siiyaan dowlada Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa isna dhinaciisa carabka ku adkeeyay in dowladiisa ay sii wadi doonto taageerida Soomaaliya ilaa uu dalka cagihiisa dib ugu istaago.

Ugu dambayna kulanka u dhaxeeyay labada dhinac ayaa ku dhamaaday is-afgarad iyo jawi saaxiibtinimo leh.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*