Ugu yaraan 15 qof oo ku dhimatay dagaalo ku dhexmaray gobolka Bay ciidamada DFS oo taageero ka helaya AMISOM iyo Al-Shabaab

ciidamo huwan ah
Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab kawada gobolada koonfurta Soomaaliya. Sawirka: Hiiraan Online.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay dagaalo ku dhexmaray gobolka Bay ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa AMISOM iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Wasiirka dhaqancelinta maleeshiyaadka ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Xuseen Xasan Maxamed oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in saraakiil sare oo Al-Shabaab ah ay ku dileen dagaalada dhexamaray ciidamada dowlada iyo maleeshiyada.

Dhanka kale, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dagaalka guulo ka sheegatay sida uu sheegay nin lagu magacaabo Cabdulaahi Macalin Geedow oo Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Bay, Geedow ayaa sheegay in ay dagaalka ku dileen ciidamo badan oo dowlada ah.

Marka laga tago sheegashada labada dhan, dadka deegaanka ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in dagaalkaas oo ilaa shalay oo Talaado ah socday ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof oo katirsan dhinacyada dagaalamayay.

Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobolada Koonfurta Soomaaliya sanadadii lasoo dhaafay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*