Ciidamada badda Puntland oo dilay ugu yaraan afar dagaalyahan oo ISIS ah, burburiyayna saldhig ku dhow Qandala

Meelaha ay ISIS awal ka joogeen Puntland iyo meelaha u qorsheysan in ay isku fidiyaan. [Sawirka: Puntland Mirror]
Meelaha ay ISIS awal ka joogeen Puntland iyo meelaha u qorsheysan in ay isku fidiyaan. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Puntland ayaa burburiyay saldhig ku dhow Qandala oo ay lahaayeen maleeshiyada ISIS sidoo kale loo yaqaan Daacish, waxayna dileen afar dagaalyahan, sida uu sheegay sargaal.

Admiral, Cabdirisaaq Diiriye Faarax, oo ah taliyaha ciidamada badda Puntland oo la hadlay idaacada VOA qeybta Af-soomaaliga ayaa sheegay in ciidamadu ay weerar ku qaadeen saldhiga oo kuyaala Ceel Ladiid, oo ah tuulo 30km dhanka koonfurta ka xigta magaalo xeebeedka Qandala.

“Inta dagaalku socday, waxaanu si guul ah u burburinay saldhiga oo ay maleeshiyaadku dib isugu uruurinayeen ayna ka samaysanayeen xero milatari,” ayuu u sheegay VOA taliye Cabdirisaaq.

“Maleeshiyadu waxay ku doorteen deegaankaas buuralayda ah oo istiraatiijiga ah ee Ceel Ladiid in ay ku dhuuntaan oo ay weeraro kasoo qaadaan. Markii aanu helnay warka ku saabsan in ay xero milatari ka dhisanayaan halkaas ayaanu weerar ku qaadnay, waxaana dilnay afar dagaalyahan, hal askari baa anaga naga dhaawacmay.” Ayuu ku daray taliyuhu.

Weerarka ayaa imaanaya labo asbuuc wax ka yar kadib markii ciidamada dowladda Puntland ay dib u la wareegeen magaalo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari, taasoo gacanta ISIS ku dhacday bartamihii bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar.

Kooxda halka sanoo jirta ee ISIS Puntland oo uu hoggaaminayo sargaalka hore ee Al-Shabaabka ahaan jirey Cabdiqaadir Muumin ayaa ka baxay Al-Shabaab, sida khuburadu u sheegeen warsidaha Puntland Mirror kooxda ayaa ka kooban 250 ilaa iyo 300 dagaalyahan.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*