Afhayeenka howlgalada milatariga Al-Shabaab u qaabilsan Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sheegay in ay iyagu ka dambeeyaan weerarka, isaga oo sheegay in ay bartilmaameedsadeen dad aan Muslim ahayn ayna dileen 15 qof, sida ay tebisay wakaalada wararka Reuters oo afhayeenka soo xiganaysa.
Al-Shabaab ayaa meel shaqo oo kutaala magaalada Mandheera ku dishay lix qof bilowgii bishaan Oktoobar.
Tan iyo markii Kenya ay ciidamadeeda u dirtay gudaha Soomaaliya sanadkii 2011-ka, kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa Kenya ku qaaday weeraro taxane ah oo dhiig ku daatay.