Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhimatay kadib markii dagaalyahano katirsan ururka hubaysan ee Al-Shabaab ay xalay saq dhexe weerar ku qaadeen magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen saraakiisha iyo dadka deegaanka.
Dagaal culus ayaa halkaas ku dhexmaray dagaalyahanada Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee jooga magaalada Baraawe, sida uu sheegay sarkaal katirsan ciidamada.
Cabdiraxmaan Rooble Jimcaale oo katirsan saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee jooga Baraawe ayaa warbaahinta maxaliga ah ee gudaha Muqdisho u sheegay in dagaalka ay dhankooda kaga geeriyoodeen ilaa iyo saddex askari, lix kalena ay ku dhaawacmeen.
Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen todobo maleeshiyo Al-Shabaab ah.
Sargaalka ayaa sidoo kale sheegay in mid kamid ah baabuurta dagaalka ee ciidamada dowladda lagu gubay dagaalka.
Dhanka kale, idaacada ku hadasha afka Al-Shabaab ee Radio Andalus ayaa sheegtay in dagaalka lagu dilay ilaa iyo 15-askari oo katirsan ciidamada dowladda, balse warkaasi ma cadda, iyadoo Al-Shabaab ay mar walba buunbuuniso khasaaraha dhanka dowladda.
Al-Shabaab ma aysan sheegin tirada dagaalyahanada laga dilay intii uu dagaalku socday.
Al-Shabaab ayaa ku xooganayd magaalada Baraawe kahor intaan ciidamada dowladda Soomaaliya kala wareegin dabayaaqadii sanadkii 2014-kii.
Be the first to comment