Kooxo looga shaki qabo burcadbadeed Soomaali ah oo weerar ku qaaday markab shidaal

Markabka Stolt. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Kooxo looga shaki qabo burcadbadeed Soomaali ah ayaa Axadii weerar ku qaaday markab shidaal waday oo ku gooshayay calanka Britain biyaha Gacanka Cadmeed oo u dhaxeeya Yemen iyo Soomaaliya.

Labo doonyood oo xawaare sare ku socda oo ay saaranyihiin lix burcadbadeed ah oo hubeysan ayaa markabka rasaas ku furay, laakiin ilaalada markabka saarnayd ayaa ugu jawaabay rasaas, sida uu ku waramay Taleefishinka Sky News, oo soo xiganaya mulkiilaha markabka.

Markabka ayaa rasaas haleeshay balse maahan mid khasaare geysatay sidoo kalena waxyeelo ma gaarsiin xamuulka markabka, sida uu Sky News u sheegay mulkiilaha markabka oo la dhaho Stolt-Nielsen.

Markabka oo magaciisa la dhaho Stolt Apal ayaa ka soo shiraacday magaalada Jubail ee dalka Sucuudiga Caraabiya, waxaana la sheegay inuu u socday Yanbu, dhinaca kale ee Jasiiradda Carbeed, dhanka koonfureed ee Kanaalka Suweys.

Sannadkii 2008 markab kale oo ay leedahay shirkadda Stolt Valor, ayaa waxaa Gacanka Cadmeed ku afduubay burcad-badeed Soomaali ah. Shirkadda ayaa aakhirkii bixisay madaxfurasho siideynta markabka iyo shaqaalihii saarnaa.

Sida laga soo xigtay shirkadda amniga badda ee Dryad Global, tani waa dhacdadii sagaalaad ee laga soo sheegey Gacanka Cadan intii lagu guda jiray 2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*