Ciidamo Maraykan ah oo 30 maleeshiyaad Al-Shabaab ah ku dilay koonfurta Soomaaliya

al-Shabab
Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamo gaar ah oo Maraykan ah ayaa dilay in ka badan 30 maleeshiyaad Al-Shabaab ah, oo ay ku jiraan saraakiil intii uu socday howlgalo amni oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya intii lagu guda jiray afartii beri ee lasoo dhaafay.

Ilo-wareedyo ciidamada dowlada Soomaaliya ah ayaa u sheegay maanta oo Axad ah wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua in howlgalo dhacay 10-kii ilaa iyo 13-kii August lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad Al-Shabaab ah oo ku sugnaa magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

“Ciidamo kumaandoos Soomaali ah oo ay taageerayaan kuwo Maraykan ah ayaa weerar ku qaaday saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin magaalada Saakow, waxayna ku dileen 30 maleeshiyaad Al-Shabaab ah, weerarada ayaa dhacay 10-kii ilaa iyo 13-kii August, saraakiil sare oo Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay weerarka,” sidaa waxaa Xinhua u sheegay ilo-wareed ciidamada ah oo ka gaabsaday magaciisa inuu sheego.

Wuxuu sheegay in hoggaamiyaha al-Shabaab Abuu Cubaydah, looga shaki qabo in la dilay ama la qabtay intii uu howlgalka socday. Wuxuu kale oo uu sheegay in saddex kamid ah ku-xigeenada Abuu Cubaydah oo uu kamidyahay afhayeenka kooxda, Abuu Muscab iyo sarkaal kale oo la dhaho Abu Cumar ay ku jiraan kuwa la dilay.

Dhanka kale, ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay kooxda hubaysan ee Al-Shabaab oo ku saabsan weeraradaan ka dhanka ah.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*