Tirada dhimashada coronavirus ee gudaha Soomaaliya oo gaartay 7 qof

Baarista Coronavirus.

Muqdisho-(Puntland Mirror) 19 kiis oo cusub oo coronavirus ah ayaa laga helay gudaha Muqdisho 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhammaan dadka laga helay cudurka coronavirus ayaa ah muwaadiniin Soomaaliyeed.

Labo qof ayaa xanuunka u geeriyootay 24-saac ee la soo dhaafay, sida Wasaaradda Caafimaadku ay ku sheegtay war-saxaafadeed.

Iyadoo maanta ay tahay Axad, tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee laga helay gudaha Soomaaliya waa 135, todobo dhimasho ah, iyo labo qof oo ka bogsaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*