Sideed qof oo ku dhimatay qarax gaari oo loola dan lahaa taliyaha ciidanka lugta Soomaaliya

Taliyaha ciidanka lugta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir. [Sawir Hore]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan sideed qof ayaa ku geeriyootay qarax ka dhan ahaa taliyaha ciidanka lugta Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo fiidkii Sabtida.

Qaraxa ayaa ku bilaabmay gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa oo ku qarxay dibada huteel uu taliyaha ciidanka lugta Cabdixamiid Maxamed Dirir uu kulan kula lahaa masuuliyiin kale, sida ilo-wareedyo katirsan ciidamada booliiska ee ku sugan Gaalkacyo ay u sheegeen warbaahinta caalamiga ah ee Bloomberg.

Ilaaladii taliyaha ayaa kamid ah dadka ku dhintay qaraxa, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay tabisay warbaahinta Andalus, ee ku hadasha afkooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*