Baarlamaanka Puntland oo dhex-dhexaadin ka wada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Deni iyo Axmed Karaash. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Maalmihii u dambeeyay waxaa jiray khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Khilaafka ayaa dibada u soo baxay kadib markii dhawaan madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu soo magacaabay shan xubnood oo kamid ah guddiga doorashooyinka, balse maalmo yar kadib madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cusmaan Karaash uu qaadacay guddigaas, isaga oo sheegay in aan lagala tashan.

Sida ilo-wareedyo katirsan dowladda ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror golaha baarlamaanka oo uu hoggaaminayo guddoomiye Cabdixakiin Dhoobo-daareed ayaa wada dadaalo lagu dhex-dhexaadinayo labada masuul ee ugu sareysa Puntland.

Dadaalada dhex-dhexaadinta ayaa guul laga gaaray, waxaana harsan in yar oo dhawaan la soo afjari doono, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Puntland, oo bishaan Agoosto u dabaaldegtay sanadguuradeeda 21-aad, ayaan taariikh u lahayn khilaafka masuuliyiinta sare.

Maamulkii hore ee ay hoggaaminayay Cabdiweli Maxamed Cali iyo Cabdixakiin Cumar Camay ayaa sanadkii u dambeeyay isku khilaafay arrimo kala duwan oo keentay in khilaafkoodu uu dibada u soo baxo.

Dowladda hadda jirta ayaa xafiiska joogtay muddo sideed bilood ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*