Puntland oo joojisay kulan masuuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya marti ku ahaayeen oo lagu qaban lahaa Garoowe

Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa joojisay kulan qorheysnaa galabta in uu ka dhaco gudaha Garoowe, sida ilo-wareedyo dowladda Puntland katirsan ay u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Kulanka ayaa waxaa marti ku ahaan lahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Dowladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo masuuliyiin kale, waxaana ka qeybgali lahaa ardayda jaamacadaha Garoowe, sida ilo-wareedku sheegeen.

Weli ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa joojinta kulankaas, balse waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo khilaaf u dhaxeeyo Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Bishii September,  Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay hakiyeen xiriirka kala dhaxeeyay Dowladda Dhexe kadib shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Wasiir Jamaal ayaa asbuucii lasoo dhaafay yimid Garoowe, waxaana ujeedka safarkiisu ahaa sidii uu ugu tartami lahaa xildhibaan Baarlamaanka Federaalka oo maanta loo doortay kadib codeyn la aaminsanyahay in aysan ahayn dhab sababto ah xubintaas ayaa beeshiisu siisay markii uu ka tagay xildhibaanki hore oo safiir loogu magacaabay dalka Jabuuti.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*