Sweden oo ciidamo u soo diraysa Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan la dagaalanka burcadbadeeda

Sweden oo ciidamo u soo diraysa Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan la dagaalanka burcadbadeeda [Xigashada Sawirka: EU NAVFOR]
Garoowe-(Puntland Mirror) Soddon iyo afar askari oo katirsan ciidamada Sweden ayaa kusoo jeeda biyaha Soomaaliya iyaga oo qeyb ka ah dadaalka caalamiga ah ee looga hortagayo weerarada burcadbadeeda Soomaaliya.

Ciidamada Sweden oo ah kuwii shanaad ee howlgalka gobolka ayaa fariisin ka sameysan doona xeebta Soomaaliya, sida uu ku waramay mareegta the Local oo soo xiganaya saraakiil Sweden katirsan.

“Marka kowaad waxaanu tagi doonaa halkaas si aan u galbino gargaar caawimaad ah oo ay leedahay Barnaamijka Cunada Adduunka ee WFP oo  loo wado Soomaaliya. Sidoo kale waxaanu waajibaad u leenahay in aan faragelino oo joojino weerarada burcadbadeeda iyo tuugada kale ee hubaysan,” Thomas Olsson, madaxa ciidamada Sweden ee Soomaaliya ayaa sidaas yiri.

Tirada weerada burcadbadeeda Soomaaliya ayaa hoos u dhacday sanadihii u dambeeyay balse intii lagu guda jiray sanadkan 2017 ayaa waxaa dhacay ilaa dhowr weerar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*